Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay U Diyaargaroobaan 18-ka May

Hargeysa, (HCTV) – Maayar ku xigeenka caasimada Somaliland ee Hargeysa, Cabdicasiis Cagaweyne ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa kaga hadlay u diyaargarowga xuska maalinta 18-ka May.

Waxaanu Maayir ku xigeenka magaalada Hargeysa uu bulsho weynta ku dhaqan caasimada Hargeysa uu ugu baaqay in si weyn loogu diyaargaroobo xuska maalinta qaranimada Somailand ee 18-ka May oo ay maalmo kooban ka hadhsan yihiin xuska maalintaasi ee la soo noqoshada qaranimada Somaliland.

Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan halkan kala hadlayaa dadweynaha caasimada Hargeysa in u diyaargarowgii xuska 18-ka may ay ka hadhay wax ka yar toban cisho. Waxaan ka codsanayaa dadweynaha iyo meheradaha Hargeysa iyo shirkadaha waaweyn iyo Meheradaha waaweyn ee ku soo jeeda laamiyada in mid waliba uu hortiisa buufiyo in calamaantii si qurux badan loogu sameeyo, in laydhadhkii la soo sudho.

Wadamada qaar marka aad tagto ee ay soo dhawdahay maalinta qaranimadooda ee “National Day) ah waad yaabaysaa, waxaad arkaysaa iyagii oo fooqyadii calamo dhaadheer laga soo laalaadiyey.” Ayuu yidhi Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA