Shiinaha Oo Muslimiinta Gobolka Xinjiang Ka Joojiyey Inay Soomaan Bisha Ramadaan

Xinjiang, (HCTV) –  Dawlada shiinaha ayaa shaqaalaha dawladda, Ardayda iyo Macalimiinta ka joojisay inay soomaan bisha barakaysan ee Ramadan, waxaanay ku amartay in hudheeladu ay furnaadaan gobolka Xinjiang ee dalkaasi Shiinaha oo ay ku dhaqan yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka Shiinaha.

Dhamaan Muslimiinta caalamka ayaa bishan barakaysan ee Ramadaan cuntada ka sooma waa bariga ilaa cadeed dhaca, taas oo aduunka oo dhan u bilaabantay maalintii Isniintii ee todobaadkan.

Dalka Shiinaha oo uu ka taliyo xisbiga hantiwadaaga ayaa sanado badan cadaadis iyo cunaqabatayno dhinaca diinta ah ku haysay dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolka Xinjiang.

“Shaqaalaha cuntada kariya ayaa si caadiya saacadahoodii uga hawlgala hotelada intii lagu gudo jiray bisha ramadaan,” sida ay cadeeyeen dadka gobolkaasi ku dhaqan oo soo dhigay baraha bulshada.

Sidoo kale saraakiisha gobolkaasi ayaa dadka xaafada Bole county ku wargaliyey: Inta lagu gudo jiro bisha ramadaan in aanay soomin, waxaana sidoo kale dhamaan cibaadooyinka kale ee dadka muslimiinta ah ay ka joojiyey.

Talaabadan dawladdu ay isku dayday in ay soonka kaga joojiso muslimiinta Uighur eek u dhaqan gobolka Xinjiang ayaa waxa ka dhacay cambaarayn xoogan oo ay dawladda dalka Shiinuhu kala kulantay kooxo u dooda xuquuqda Aadamaha.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA