Shir Uu Madaxweyne Biixi Guddoominayey Oo Muranka Dhulka Lagaga Dooday

Hargeysa (HCTV) – Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiista ayaa waxa War-bixinno lagaga dhegaystay Wasiirro, waxaana lagaga dooday Muranka dhulka ee soo noqnoqda.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2019, waxa warbixino lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga.

Waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen siyaasadda dhulka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada iyo muranka dhulka ee soo noq-noqday muddooyinkii u danbeeyey, siyaasaddan dhulku waxay diirada saaraysaa, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhulka, iyada oo goluhu guddi u saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu samayn doono siyaasadda dhulka.

Waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada siyaasadda ganacsatada dhexe iyo ganacsatada yar yar, siyaasaddaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku, iyadoo goluhuna kal-fadhiyada danbe ku soo celin doonaan golaha.

Ugu danbayntiina waxa golaha warbixin ka horjeediyey wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo ku dheeraaday hawlaha shaqo iyo horumarka wasaaradda isagoo golaha u soo bandhigay qorshayaashii u hirgalay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga  oo ka soo laabtay safarro uu muddooyinkii u danbeeyey ku marayey dalalka yurub ayaa golaha golaha warbixin ka siiyey kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay qaar ka mida masuuliyiinta dalalkaas iyo   shirkado maalgashi, waxaanu wasiirku sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland, badiba ay dalalka adduunku danaynayaan inay maalgashi ka sameeyaan, ayna majeerteen sida bulshada Somaliland diyaarka ugu yihiin in dalkooda la maalgashado, madaama shirkado caalamiyi ku dhiiradeen maalgelinta Somaliland, wasaaradda maalgashiguna iyadoo ka duulaysa doorkeeda iibgeynta maalgashiga dalka uu wasiir ahaan la wadaagay fursadaha maalgashi ee wadanka..”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.