Doorashada Koonfur Afrika Iyo Xisbiga ANC Oo Hogaaminaya Codadka La tiriyey

Cape Town, (HCTV) – Xisbiga xukuma dalka Koonfurta Afrika ee ANC ayaa hogaaminaya codadka doorashada dalkaasi Koonfurta Afrika ee la tiriyey oo Xisbiga ANC ay kula tartamayaan 47 xisbi oo kale, taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee waligeed soo marta dalkaasi.

Codadka la tiryey ee doorashada koonfurta Afrika, ayaa Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu rajaynayaa inuu ilaashado taageerada dawladiisa ee xisbiga dalkaasi hogaamiya ee African National Congress (ANC).

Waxaana ilaa iyo hada lagu dhawaaqay in 38% dagmooyinka codadka laga dhiibtay, waxaana xisbiga mucaaridka ee DA uu helay boqolkiiba 25% codadka la dhiibtay, halka xisbiga ANC oo doorashadii 2014-kii helay 62% uu hada haysto 55% boqolkiiba.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA