“Tallaabadii UFO Ayaanu Qaadi Doonaa, Haddii Deg-deg…” Dhallinyarada WADDANI

Hargeysa (HCTV) – Dhallinyarada Taageera Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Maanta isku soo bax ka sameeyay Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku dalbanayeen in xorriyaddiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbigaasi, Maxamed Sidiiq Dhamme oo Muddo 9 Maalmood ah xidhan.

Dhallinyarada sameeyay dibad-baxa oo sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin Weedho ay ku muujinayaan siday uga xun yihiin Xadhigga Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa cod-dheer ku sheegay in Xadhigga Guddoomiyahoodu aanu sharci ahayn, sidaasi darteedna Xorriyaddiisa loo soo celiyo.

Xoghayaha Garabka dhallinyarada ee Xisbigaasi Cabdifataax Jaambiir oo gebogabadii Dibed-baxaasi Saxaafadda kula hadlay xarunta Xisbiga WADDANI ee Hargeysa ayaa yidhi “Dhallinyaro ahaan waanu ka xunnahay Xadhigga Guddoomiye Maxamed Sidiiq, Maxamed Sidiiq oo keliya ma xidhna ee Xisbigii WADDANI baa xidhan. Wax kasta waanu samayn karayney Maanta, laakiin waa Bil Ramadaan, markaa waxaanu u tudhaynaa Bisha Ramadaan iyo Ummadda..”

Xoghayaha Garabka Dhallinyarada WADDANI wuxuu soo jeediyey in dhallinyarada WADDANI yeelaan sidii dhallinyaradii UFO “Dulmiga Maanta taagani waa kii dhallinyaradii UFO ka dhiidhiday ee ay ka dagaalameen ee Heeryadii dulmiga iska rogeen ..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dhallinyarada Xisbiga WADDANI waxaan farayaa inaynu iska rogno Heeryada Dulmiga oo aynu diidno Car Juuq dheh..”

Xubin ka mid ah Garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidh “Hadduu Maxamed Sidiiq uu si deg-degga ah u heli waayo Xorriyaddiisa, waxaanu qaadi doonaa Tallaabadii UFFO qaadday..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka