Sucuudiga Oo Xabsiyada Ka Sii Daayey 1,400 Ethiopian Ah

Riyadh, (HCTV) – Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa siidaysay 1,400 Ethiopian ah oo ku xidhnaa xabsiyada dalka Sucuudiga kadib markii xukun uu ku dhacay sida ay sheegtay Wasaarada arimaha dibada ee dalka Ethiopia.

Maxaabiistan tirada badan ayay cafis u fidisay dawlada dalka Sucuudigu bilaabashada bisha barakaysan ee Ramadaan awodeeg.

Dawlada dalka Sucuudi Carabiya ayaa sidoo kale hoos u dhigtay xikunka maxaabiis Ethiopian ah 75 boqolkiiba, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Ethiopia, oo soo xigatay Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia.

1,400 ee la sii daayey ayaa 300 oo ka mid ah waxa la filayaa in ay ka soo dagaan madaarka Bole International Airport ee ku yaala Addis Ababa gabnimada maanta.

Hase yeeshee dawlada Ethiopia ayaan ka hadal sababta maxaabiista Ethiopian-ku ay ugu xidhan yihiin jeelasha dalka Sucuudiga.

Sidoo kale dadka warku muu cadayn in Ethiopianka xidhani ay sitaan waraaqaha sharciga ah ee lagaga shaqaysan karo dalka Sucuudiga oo badanaa ay kaga shaqaystaan shaqooyinka adeega guryaha ee Jaariyadaha loo yaqaano.

Qiimayno la sameeyey ayaa muujinaya in Nus Milya Shaqaalaha guryaha ka shaqeeya oo Ethiopian ahi ay ku sugan yihiin Sucuudi Arabiya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA