Nin Si Khalad Ah U Xidhnaa 31 Sano Oo Mag-dhow Loo Siiyey $ 75

Tennessee (HCTV) – Nin ku noolaa Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka, ayaa ka soo baxay Xabsi uu ku jiray Muddo 31 Sannadood ah, xabsigaasi oo loogu xidhay Dambi aanu isagu gelin.

Bishii October, 1977 ayaa Haweenay Gurigeeda ay kufsadeen laba Nin, muddo ka dib ayay haweenaydaasi sheegtay inay aqoonsatay mid ka mid ah Raggii faro-xumeeyay, kaasina uu yahay Lawrence McKinney oo xilligaa ahaa 22 jir, ahaana jaarkeeda.

1978 ayaa Lawrence McKinney lagu xukumay 115 Sanadood oo xadhig ah, iyadoo loo cuskaday inuu tuugonimo iyo kufsi ku kacay.

Laakiin, dhiigga DNA ah oo laga qaaday Lawrence McKinney sannadkii 2008-dii ayaa caddeeyay in Qofka eedaysanaha ahi aanu isaga ahayn.

Markii la soo daayey sannadkii 2009-kii ayaa waaxda Gobolka Tennessee u qaabilsan Sixitaanku waxay Ninkan 31-ka sannadood u xidhnaa dambiga aanu gelin waxay Magdhow ahaan u siisay $ 75 dollar oo keliya, si uu noloshiisii caadiga ahayd dib ugu bilaabo, taasi oo ah arrintan layaabka leh.

Ninkan oo hadda 61 jir ah isla-markaana ka mid ah Dadka Madowga ah ee Maraykanka ayaa doonaya in la siiyo Mag-dhow gaadhaya Hal Milyan oo dollar, kaasi oo ay ka cago-jiidayaan waaxda sixitaanka khaladaadka noocan ah u qaabilsan Maamul-gobolleedka Tennessee ee dalka Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka