Damalkii Nabadda (Xaaji Cabdi Xuseen) oo Geeriyooday….

Hargeisa (HCTV)  Magaalada Hargeisa waxaa maanta ku Geeriyooday  Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf- (Cabdi Waraabe )
Taliyihii Hore waaxda Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (maxamed Cambaro) oo ehelka Marxuum Xaaji Cabdi ka mid ah ayaa Horn Cable TV u xaqiijiyay Geerida Marxuumka ku timi.

Bilihii ugu dambeeyay Xaaji cabdi waxaa dhawr jeer  Xanuun loo dhigay Cisbitaalka uu hadda ku geeriyooday ee loo yaqaano Internationalka ama masaarida ee ku yaala Koonfurta Hargeisa.

MAXAA LAGU XASUUSTAA CABDI WARAABE ? 

Marxuum Xaaji Cabdi Xuseen waxaa uu  aad ugu Suntanaa Taariikhda Nabadda iyo dib u Heshiisiinta umadda Soomaalida gaar ahaan waxaa   si wayn loogu xasuustaa gacantii uu ka gaystay dhismaha iyo Xasilintii  Somaliland oo ay soomaalidu aad ugu barteen, doorkiisa odaynimo ee uu qaadan jiray marka ay adkaadaadaan xaaladaha Nabadgalyo ama siyaasadeed ee Somaliland oo uu wakhtigiisa oo dhan ku bixin jiray maslaxadda iyo isu dhawaynta bulshada oo in badan Talooyinkiisa  ay kusoo caano maaleen umadda Reer Somaliland.

Waxaana uu muddo dheer ahaa Mudanaha ugu Da’da wayn Golaha Guurtida Somaliland.

qiyaastii 1898kii  ayuu Marxuumku ku dhashay baadiyaha uubaale ee duleedka koonfureed ka xiga Hargeisa, sida ku xusan buug laga qoray taariikh nololeedkiisa 1940-kii ayaa loo cumaamaday caaqilnimo isagoo 35 jir ah.

BAAXADA QOYSKIISA 

waxaa uu dhalay 29 ubad ah  inta dhimatay iyo inta Noolba marka laysku daro tirada guud, waxaana uu Guursaday Saddex Haween ah.

marka la eego  caruurtiisu ubadka ay  sii dhaleen waa qoys balaadhan oo dad badan ay ka tafiirmeen.

GOOBTA AASKA.

Waxaa la filayaa in bari 9ka subaxnimo  lagu aasi doono Xabaalaha Toon oo ku Taala Duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeisa.

Ilaahay Samir iyo imaan haka siiyo dhammaan umaddii uu ka baxay xaaji cabdikariim Xuseen.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun.

 

Cabdishakuur Dayib  Maxamed.

HCTV.