Xaaji Cabdi Waraabe Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Degaanka Toon Ee Hargeysa

Hargeysa, (HCTV) – Alle ha u naxariistee Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ayaa aas qaran maanta loogu sameeyey deegaanka Toon oo koonfur kaga beegan magaalada Hargeysa.

Aaskan loo sameeyey Ruug Cadaa, Nabadood Xaaji Cabdi Xuseen ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, hogaamiyeyaasha Asxaabta Mucaaridka Somaliland iyo bulsho aad u tiro badan.

Alle ha u naxariistee Geerida Xaaji Cabdi Waraabe oo ahaa Oday Nabad doon ah oo da’diisu ahayd 122 jir ayaa dhulka Somaliland si weyn looga tabi doonaa kaalintii iyo doorkii weynaa ee uu ku lahaa xalinta khilaafyada dalka iyo nabadaynta beelaha.

Xaaji Cabdi Waraabe

Somaliland ayaa u baroor-diiqaysa ninkii ugu da’da weynahaa dawladda ee hogaamiyihii hogaamiyeyaasha, Haji Abdikarim Hussein Yusuf, oo loo yaqaanay Xaaji Cabdi Waraabe, kaas oo jimcihii ku geeriyooday Hargeisa International Hospital isagoo ay da’diisu tahay 122.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ka mid ahaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida, isagoo astaan u ahaa nabada iyo nabadaynta Somaliland tan iyo xiligii gumaystaha oo ay Somaliland xornimada ka qaadatay 1960 iyo dalka ay jaarka yihiin ee Somalia oo ay xornimadeeda kala soo noqotay 1991.

Waxa lagu aasay Hargeysa saacado ka dib geeridiisa, waxaana aaska loo sameeyey ka qaybgalay boqolaal reer Somaliland oo muujinayey xushmadii ay u hayeen ninkii mudada dheer noolaa ee soo dhexdhexaadiyey khilaafyadii xiligii gumaystaha iyo siyaasiyiintii Somaliland.

Xaaji Cabdiwaraabe ayaa aduunka caan ka sii noqday markii ay waraysatay BBC-du haweenayda Falanqaysa arimaha Soomaalida ee Mary Harper ay ka sii daysay BBC World Service 2012-kii in Xaajigu Uu Xasuusto Caleemo Saarkii Boqorada Queen Elizabeth II 1953-kii.

Xaaji Cabdiwaraabe ayaa ahaa 115 jir, kaas oo markii uu 12 jirka uu ahaa loo doortay inuu beeshiisa hogaamiyo ayaa waxa uu yidhi “Si Wanaagsan ayaan u xasuustaa Boqorada. Xaqiiqdii waxaan xasuusta aabaheed King George VI 1937-dii. Abtigay ayaa ka qaybgalay xafladii caleemo saarka ee London,” ayuu u sheegay BBC-da Xaaji Cabdi Waraabe.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA