Somaliland: Maxkamad Diiday Inay Dhagaysato Dacwada Xildhibaan Bileysku Xidhay

Hargeysa, (HCTV) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood ka silsiladaysan ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa.

Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa habeenimadii Jimcihii la soo xidhay, kaas oo loo haysto eedo ah inuu ka soo horjeestay Xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka uu ku tilmaamay maalin u gaar ah beelaha dhexe ee Somaliland oo aan loo wada dhamayn xuska maalintaasi.

Guddoomiyaha Maxkabadda gobolka maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka.

Sida uu ku waramay wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefishanka HCTV oo isagu saaka tagay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex markii la keenay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkamadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin wali.

Taasina waxa ay keentay in ciidamada Boolisku ay dib ugu celiyaan xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA