Xuutiyiinta Yemen Oo Magaalo Dekedeeda Xudayda Iskaga Baxay

Xudayda, (HCTV) – Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa ciidamadooda kala baxay magaalo dekedeeda Xudayda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay oo talaabadan ku tilmaantay mid wadada u xaadhaysa wadaxaajood siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka afarta sanadood ka socday dalkaasi.

Kooxdan xuutiyiinta ayaa iyagu afar sano ka hor ciidamadooda soo dhigay magaalooyinka dekedaha leh ee Xudaydah, Saleef iyo Ras-Isa, waxaanay Qaramada Midoobay ay sheegtay in wadaxaajoodyo nabadeed oo ay wadeen ay ku burbureen dalka Sweden bishii December ee sanadkii hore.

Kooxda Qaramada Midoobay ee isku xidhka wada-xaajoodka waday ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in arintani ay tahay talaabadii ugu horaysay ee wax ku ool ah ee ka dhacda Yemen ay tahay, waxaanay tilmaameen in arintani ay hoosta ka xariiqayso sii socoshada dedaalada nabada ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee dalka Yemen oo galaaftay nolosha tobonaan kun oo qof, Yemena gayeysiiyey macaluul aad u daran inay ka dilaacdo.

Talaabadan ay qaadeen kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay u saamixi doonto inay door ka qaadato talaabooyin lagu taageerayo maamulida dekedahan ku yaala badda cas iyo in Qaramada Midoobay ay hubiso Alaabta ka soo dagaysa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA