Xildhibaan Reer Sweden Ah Oo Su’aal-geliyey Waxa Dawladdiisu U Aqoonsan Wayday Somaliland

Sweden (HCTV) – Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey waxa Dawladdiisu u aqoonsan wayday Somaliland.

Magnus Oscarsson oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku yimid Somaliland, isla-markaana arkay Nabadgalyada ka jirta Somaliland, lana kulmay Madaxweynaha Somaliland, sidaa darteedna uu Dawladdiisa Sweden waydiinayo sababta ay aqoonsi u siin la’dahay Somaliland, maaddaama buu yidh  ay buuxisay nidaamkii Dawladnimo ee looga baahnaa Dal raadinaya in Dawladaha Caalamku ictiraafaan.

Xildhibaankan oo ka qayb-galay Xuska 18-ka May oo Jaaliyadda reer Somaliland ee Dalkaasi wakhtigeeda ka soo hor-mariyeen ayaa hadal uu xildhibaanku halkaa ka yidhi wuxuu ku bilaabay sidan “Waxaan tagay Hargeysa, waxaan soo arkay Nabadgalyada, waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaan waydiinayaa Dawladda Sweden iyo Shacabka, maxaynu u aqoonsan waynay Somaliland..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka