Dalal Kale Oo Ku Soo Biiray Dawladaha Danaynaya Martigalinta Wadahadalada Somaliland-Somalia

Hargeysa, (HCTV) – Dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Saudi Arabia ayaa ku soo biiray wadamada danaynaya inay martigaliyaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

Waddamo dhawr ah oo ay ku jiraan Eritrea, Ethiopia, Djibouti, Turkey , Saudi Arabia Iyo Wadamo Midawga Yurub ka tirsan ayaa sidoo kale u xamaasadaysan wadahadaladan la filayo inay dhexmaraan Somaliland iyo Somalia.

Bishii April 4, ayay ahayd markii Raysal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed uu sheegay in dawladdiisu ay u heelan tahay inay dhexdhexaadiso Somaliland iyo Somalia.

Sida uu Raysal Wasaaraha Ethiopia ka sheegay mar uu ka hadlayey Jigjiga oo ay shir ku yeesheen Soomaalida Ethiopia ayaa Abiy Axmed uu hoosta ka calaamadiyey inuu ka shaqaynayo sidii loo xasilin lahaa gobolka Geeska Afrika.

“Dawladaydu waxay bilawday dedaalo ay ku dhexdhexaadinayso wadahadalo ay yeeshaan Somaliland iyo Somalia. Labada dhinacna waxay muhiim u yihiin horumarka iyo amaanka gobolka,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed.

Waxaana arinta Raysal Wasaaraha Ethiopia uu isku qanciyey inuu galo ay timid markii Madaxweynaha Somaliland muuse biixi cabdi uu socdaal ku tagay Addis Ababa oo uu martiqaad ka helay dawlada Ethiopia.

Inkastoo labada dhinac ay xiligaasi ka doodeen Nabadgalyada gobolka iyo isdhexgalka labada bulshood ee xidhidhka laba geesoodka ah ee mudada soo jiray.

Bishii May 3, Safiirka Sucuudiga u fadhiya Somalia Mohammed Abdi Khayat ayaa isna booqday Somaliland waxaanu kulan laba geesood ah uu Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaana meelaha ay dul istaageen Somaliland iyo Somalia ka mid ahaa suurtagalnimada mustaqbalka in Somailand iyo Somalia ay ku wadahadlaan boqortooyada gudaheeda.

Halka bishii May 10, Eritrea ay ku soo biirtay wadamada quudaraynaya inay martigaliyaan wadahalada Somaliland iyo Somalia.

Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa iftiimiyey doorka Asmara ee Wadahadalada Somaliland iyo Somalia inay muhiim tahay, isagoo sheegay in wadamo bariga Afrika ka tirsani ay ka shaqaynayaan sidii labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia ay isugu keeni lahaayeen miiska wadahadalka.

“Eritrea waxay muujisay siday u danaynayso martigalinta mustaqbalka wadahadalo Somaliland iyo Somalia ku dhexmara Asmara” ayuu yidhi Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia.

Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Eritrea Cismaan Salax iyo la taliyaha Madaxwenaha Mr Yemane Gebreab ayaa markii ay socdaalka ku tageen Somaliland bishii march oo ay kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi, kadib socdaal ku tagay mudisho bishii ka dambaysay, ayaa bilaw u ahayd dhexdhexaadin.

Dhinaca kale Wadahadladii dawlada Turkigu ay martigalisay ayaa burburay bishii March 2015-kii, iyadoo dhamaan isku dayadii lagu fashilmay in wadahadaladaasi guulo laga gaadho.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland-Somalia ayaa marka ay soo gaadhaan halka u dambaysa isku afgaran waaya iyadoo ay jirto dhibaato farsamo. Balse dawladaha Somaliland iyo Somalia ayaa doonaya inay sii wadaan wadahadalada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA