Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Ku Daba-jirto Kooxo Ajaanib Ka Mid Yahay

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Xasan-Gaafaadhi), ayaa sheegay inay jiraan kooxo xulafo ah oo dhibaato weyn ku haya Nabadgalyada Somaliland.

Kooxahan oo ku sheegay ‘Casaabado’ ayuu sheegay inay ka kooban yihiin Dad badan oo isugu jira ‘Madax-dhaqameed, siyaasiyiin, Ganacsato, Shaqaale Dawladeed iyo Dad Ajaanib ah, waxaanu tilmaamay in Kooxahaasi ay masuul ka yihiin Xasarado badan oo amni-darro sababa oo ka dhaca Somaliland.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa ugu horeyn ka dareen-celiyey uu sheegay inuu Naxli abuuray oo ka soo yeedhay Boqor Buur-madow mar uu ka hadlayey Laba Sarkaal oo dhawaan lagu degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, waxaanu Wasiirku yidhi “Waxaan Rabaa Inaan Tix Raac Ku Sameeyo Boqor Cismaan Buur Madaw Oo Ku tiraabay Dhacdadani “Dilkii Saraakiisha Gar-adag inay horeba u dhici jirtay, waa ayaan-daro Dhacdadaa dhacdo la mid ah hore u dhacday  ma jirto. Marka la eego waxyaabihii ka dhacay deegaankaasi oo ay ugu danbeysay dhacdadani waxay maraysa dad boqol ku dhaw dhaw inay dhintaan, laakiin meel ay ka dhacday oo loo nisbeyn karo oo la odhan karo hore u dhici jirtay ma jirto (Dil noocan oo kale ahi), hadalkaasi dadkii dhibaatadu gaadheyna dacar iyo naxli buu ku abuuray, dadkii geystayna dad aan kala garaneyn dhibaatada iyo khaladka iyo saxa ayuu ku tilmaamay. Waxaan leeyahay waa dhacdo xun oo fool xun oo aan hore u dhicin oo aan Qaranka qaban. Waxaan leeyahay boqorku muu xisaabtamin markuu hadalkaa lahaa..”

Wasiir Gaafaadhi wuxuu sheegay inay jiraan kooxo khatar ku ah amniga isla-markaana la dagaalamaya in Sharcigu shaqeeyo “Casaabado Abaabulan oo nooco badan isugu jira oo Cid walba leh, Madax-dhaqameed leh, shaqaale leh, Ganacsato leh, Dad ajaanib ah oo Shisheeya ah leh, ayaa dhibaato ku haya fulinta Sharciga Qaranka, masuul ka ah Xasarado iyo dhibaatooyin badan oo dhaca, Casaabadahaasi waa Casaabado dhibaato weyn ku haya Nabadgalyada, waxay ka Ganacsadaa wuxuu isugu jiraa wax la yaqaano iyo waxaan la aqooninba, waxaanu leenahay Dadkaa Maanta iftiinkaa haya, wixii ay geysteena waxay ila tahay meel ay la tagaan in aanay jirin, siyaasiyiin baa ku jirta, markaa maaha wax la fudaydsan karo, Ciidanka Qaranka, Booliska iyo Xukuumadduba waxay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay Dadkaa u iftiimin lahaayeen ee ay Sharciga u horkeeni lahaayeen.” Ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka