“Waanu Ka Xunnahay In Xildhibaanku Yidhaahdo 18 May Waa Maalin Madow..” Baashe M. Faarax

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay Xadhigga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo Toddobaadkii hore Boolisku xidhay, markii uu Warbaahinta ka sheegay inaanu 18-ka May u aqoonsanyn Maalin Qaran.

Guddoomiye Baashe oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay ka xun yihiin in Xildhibaanku uu yidhaahdo ‘waa Maalin Madow 18-ka’, haddana ay sharci-darro u arkaan Xadhiggiisa.

Guddoomiye Baashe oo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waanu ka xunnahay in Xildhibaan Qaran uu yidhaahdo 18 May waa Maalin Madow, Waayo? 18 May waa Maalin Qaran oo Somaliland baa wada leh, Dadka yidhaahda lama wada lahana kuma raacsani oo Somaliland baa wada leh, Shacabka Somaliland ayaa goostay in 18 May loo dabbaal-dego..”

Baashe Cadde waxa kale oo uu sheegay “Xildhibaanku Rayigiisa wuu dhiibtay, Dastuurka ayaana u fasaxaya inuu Ra’yigiisa dhiibto, sax ahaado ama khalad ha ahaadee, markaa waxaanu ka xunnahay Xadhigga loo geystay, xadhiggaas oo baal-marsan sharciga, Waayo? Isagoo Xasaanaddiisa la marin ayaa gurigiisa loo daatay, C.I.D aya lagu xidhay. Qodobbada 49 iyo 79 ee Dastuurku waxay sheegayaan Xasaanadda Xildhibaanka, Xildhibaanka lama xidhi karo, lama baadhi karo, waxba lama waydiin karo, illaa Xasaanadda laga qaado oo Golaha Wakiillada la soo ogaysiiyo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Isagoon xasaanaddii laga qaadan oo aan golaha wakiillada la soo waydiisan ayaa gurigiisii loogu dhacay Xaaskiisii iyo Carruurtiisii oo hurda, anigoo Guddoomiyihii baarlamaanka ah waxay CID-du ii diidday inaan arko Xildhibaanka..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka