Puntland: Dil Lagu Xukumay Eedaysaneyaal Loo Haystay Kiiska Gabadh Yar Oo La Kufsaday

Nugaal, (HCTV) –  Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa go’aan ka gaartay xukunka raggii ku eedaysnaa kiiskii Kufsiga ee loo geystay gabadhii yarayd ee 12- jirka ahayd eeCaasho Ilyaas Aadan oo sannadkan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay saddex ka mid ah tobbon ruux oo kiiskan u xirnaa, dhageysiga maxkamadooddana ay socotay toddobaadyadii u dambeeyay.

Ragga ay maxkamadda dilka ku xukuntay ,labo ka mid ah waa walaalo wada-dhashay, kuwaas oo kala ah; Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame 24 jir ah iyo Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame oo 32 jir ag iyo qofka saddexaad oo ah Cabdishakuur Maxamed Dige oo 46 jir ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday. Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil racfaan ah.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo, waxaana uu ahaa kiiska gabadhaan yar ee la kufsaday kaddibna la dilay mid caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sannadkan ayaa meydkeeda laga helay gabadha oo 12 jir ahayd meel aan ka fogeyn guriga ay degganaayeen qoyskeeda oo ku yaalla magaalada Galkacyo.