Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiilada Oo Diiday Inay Xasaanada Ka Qaadaan Xildhibaan Dhakool

Hargeysa, (HCTV) – Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday codsi ay u soo gudbiyeen Xeer-Ilaalinta Guud ee Somaliland oo ka dalbatay in xasaanada ay ka qaadaan Xildhibaan Maxamed Dhakool oo isagu ka soo horjeestay maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in xorriyadiisii loo soo celiyo xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ciidamada bileysku ay xabsiga u taxaabeen laba cisho ka hor.

Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa amaanay go’aankii Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ay maalintii shalay ku diiday ka garniqida dacwadda loo haysto xildhibaanka, maadaama oo Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex la hor keenay xildhibaanka oon wali xasaanada xildhibaanimo aan laga qaadin.

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo kulankaasi ay yeesheen guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada ka dib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaanu u fadhiisanay arin dastuuri ah oo xafiiska xeer ilaalinta warqad nooga timid, waxaad maqlayseen in la xidhay xildhibaan sita xasaanadii golaha wakiilada ee uu ummadda u hayey, taas oo xafiiska xeer-ilaalinta iyo bileysku ay ku macneeyeen inay ku qabteen isaga oo dambi faraha kula jira, sidaad ka warhaysaan xildhibaanku isagoo hurda 11-kii habeenimo oo goor habeen ah oo caruurtiisii la hurda in gurigii loogu dhacay oo gurigii albaabkii la fujiyey oo ciidanka bileysku tahdiid iyo inta la iskugu daray la soo qabtay, arinta ay ku eedaynayaana markii aanu ogaanay ay noqotay shir jaraa’id oo uu maalmo hore qabtay fikradiisana uu kaga hadlay, anaguna lama qabno oo arintiisii ka hadli mayno ma sharcibay ahayd mise sharci daro.

Waxa kaliya oo na khusaysay xadhiga xildhibaanka qaabka loo mara ma sharcibay ahayd mise sharci daro, waxaad ogtihiin dastuurkeenu waxa uu inoo dhisay hay’addo dastuuri ah oo saddex ah oo is-jeeg-gareeya oo is-ilaaliya oo isku ilaaliya sharciga.

Xukuumada waxa ku ilaaliya Dastuurka waxa la yidhaahdo Golaha wakiilada, wuxuu u dhisan yahay hadii wax khilaafsan dastuurka qaranka inay tilmaamaan golaha Wakiiladu, hadii ay qaadana inay ku taageeraan oo ay waafaqaan oo ay la waafaqaan, iyadoo aanu taa ka duulayno waxa nala soo waydiistay oo xafiiska xeer-ilaalintu uu noo soo gudbiyey qoraal waxa aanu idin ogaysiinayaa inaanu xidhnay xildhibaankaas oo hada uu xabsiga ku jiro, isla markaana ay horgeeyeen Maxkamada isagoo katiinadaysan Maxkamada iyagoo wada socda, markaa ogaysiintaasi ayaanu idin siinay.

Waxay ahayd marka la qabanayo xildhibaan in loo maro dariiqa uu Dastuurku tilmaamay ee qodobada 49 iyo 79 ayaa inoo jideeyey wixii xubin baarlamaanka ah oo dambi gasha laga yeelayo, waxa weeyi markaas hadii uu dambi faraha kula jiro waa la qabanayaa isagoo wax dilaya, isagoo bangigaa jabsanaya waa la qabanayaa dambiyada caynkaas ah hadii xildhibaanku ku kaco,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac oo u hadlay guddidaasi joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA