Puntland: Walaalo Dil Loogu Xukumay Kufsigii Iyo Dilkii Caasha Ilyaas

Puntland (HCTV) – Maxkamadda Derajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Maanta xukuntay 3 ka mid ah Rag ku eedaysanaa inay Kufsi iyo Dil u geysteen Gabadh yar oo Magaceedu ahaa Caasha Ilyaas Aadan, Degmada Kaalkacayo Sannadkan.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay 3 ka mid ah illaa 10 Nin oo u xidhnaa Dilka iyo kufsiga loo geystay Caasha Ilyaas, inkasta oo aan la hubin in Qisaasta lagu xukumay la fulin doono.

Maxkamadda ayaa xorriyaddooda u soo celisay 7 Nin oo ku eedaysnaa inay dil iyo kufsi u geystaan Gabadha yar ee Caasho, taasi oo Dacwaddeeda muddo socotay.

Ragga Maxkamaddu dilka ku xukuntay ayaa waxay kala yihiin, Cabdishakuur Maxamed Dige oo 46 jir ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame oo 32 jir ah iyo Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame 24 jir ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka