Indonesia: Diyaaradaha Dagaalka Oo Muslimiinta Loogu Toosiyo Suxuurta

Indonezia (HCTV) – Dawladda Indonesia ayaa markii ugu horraysay go’aansatay inay Muslimiinta Xilliga Suxuurta ay ku toosiso Diyaaradaha Dagaalka ee Jet-ka oo la kiciyo.

Inkasta oo habkani yahay qorshe ama Hab Casri ah, waxa Dalka Pakistaan Dadka lagu toosiyaa Durbaan la garaaco xilliga Suxuurta, dhaqankaasi oo weli sii noolna wuxuu sannad walba Muuminiinta ka caawiyaa inay Suxuurta u kacaan.

Arbacadii, ayaa Ciidammada Cirka ee Indonesia waxay ku dhawaaqeen inay ka qayb-qaadanayaan u toosinta Muslimiinta ee Suxuurta, sida uu soo weriyey The Jakarta Post oo Horn Cable Tv uu Warkan ka soo xigtay.

Magaalooyin badan oo ku yaalla Dalka Indonesia ayaa diyaaraduhu ka fulin doonaan hawl-galka Muslimiinta loogu toosinayo Zuxuurta “Waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qayb-qaadano habka dhaqanka ah ee Suxuurta loogu toosiyo Muslimiinta, annaga oo adeegsanayna diyaaradaha Dagaalka..” ayay lagu sheegay qoraal Ciidammada Indonesia ku baahiyeen Twitter-ka

Indonesia ayaa ah Dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan Adduunka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 267 million.

Tallaabadan ayaa ah mid naadir ah, sida uu sheegay The Jakarta Post oo Warkan daabacay, isla-markaana uu HCTV uu ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka