Nigeria: Daacish Oo Sheegatay Weerar Lagu Dilay 11 Askari Gobollka Borno

Borno, (HCTV) – Weerar lagu qaaday Askar ayaa ka dhacay magaalada Gajiganna oo ku yaala waqooyi bari ee gobolka Borno, sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Nigeria.

Dagaalyahanada kooxda Daacish ee dalka Nigeria ayaa dilay 11 Askari kadib markii ay weerar kula beegsadeen magaalada Gajiganna, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AMAQ oo telefishanka HCTV uu ka soo xigtay warkan.

Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in mid kae oo ka mid ah ciidamadaasi weerarka lagu qaadayo oo dhaawacmay lagu dawaynayo cusbitaal, waxaana kooxda dagaalyahanada ay rasaas la beegsadeen askartaasi.

Sanadkii 2016-dii ayay ahayd markii kooxda mayalka adage e Boko Haram ay u kala jabtay laba dhinac oo koox ka mid ahi ay noqotay Daacish-ta ka dagaalanta dalkaasi, waxaana dagaalada kooxahaasi ay kula jiraan ciidamada dalka Nigeria ee gobololada Waqooybari ee dalka Nigeria ku barakacay dad tiradoodu ka badan tahay 30,000.

 HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA