Salaadiin Ka Hadlay Dad Lagu Laayey Kililka Shanaad (Akhri)

Xaajin (HCTV) – Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil ay sheegeen in Ciidammada Booliska ee degmada Aw Barre ee Kililka Shanaad ee Itoobiya ay deegaanka Xaajin ugu geysteen Dad Shacab ah oo ay tilmaameen inay ka cawdeen adeegyada Aasaasiga ah qaarkood.

Dadka Salaadiintu sheegeen in Booliska Aw Barre ku dileen Deegaanka Xajin ee Kililka Soomaalida Itoobiya ayaa tiradoodu tahay Afar Qof, kuwaasi oo ka mid ahaa Dad dibed-bax ka dhigay halkaasi.

Suldaan Dhawal oo ugu horrayn ka hadlay Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Boorama ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ka xunnahay Dilka loo geystay Dadka ka cabanayey nolosha aasaaskeeda, sida Biyaha, Iskuullada Waxbarashada iyo Waddooyinka, in haddii ay wax tawdeen ay Xukuumaddoodii ay Xabbad nool ugu darto. Dadkaa Annagaa u Odayaal ah, Annagaa u tol ah, Annagaa bud-dhig u ah, sina ku aqbali mayno qaabka ay hadda wax u socdaan, Nidaamkaaga xukuumadeed baanu arkaynay Annaga oo wax tabanayney, haddaad Dilna ku dartay, mooyi siday u suurto-geli..”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, ayaa isaguna yidhi “Sharcigu ma dhigayo Dad Xuquuqdoodii doonaya oo ka doonayo Maamulkoodii Kililka in Booliskii deegaanka ee iyaga ilaalin lahaa inay iyagii Rasaas ku furan oo Dad ku laayaan, aad iyo aad baanu uga xunnahay, arrin la qaadan karo maaha. Dawladda Federaalka Itoobiya waxaanu leenahay waa in Dadkaa Gacanta ka gardarani dishay arrinkooda waa in si deg-deg ah loo soo faro-geliyo..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka