Shil Gaadhi Oo Ay Ku Dhinteen 14 Qof Oo Ka Dhacay Gaarisa -Kenya

Garisa, (HCTV) – Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kadib markii ay isku dhaceen gaadhi bas ah iyo gaadhi kale oo nooca xamuulka qaada ah oo marayey wadada u dhaxaysa Bangala iyo Gaariska ee dalka Kenya.

Shilkan Gaadhi ayaa xalay dhacay xili bas weyn oo siday dad rakaab ah oo tiradoodu gaadhayso 60 qof uu galay gaadhi weyn oo kuwa xamuulka ah oo taagnaa meel u dhaxaysa Bangala iyo Gaarissa.

Gaadhiga Xamuulka qaada ayaa la sheegay inuu siday sibidh, waxaana markii basku uu jiidhay gaadhigaasi soo daatay muraayadihii iyo saqafkii baska oo gabi ahaanba go’ay.

Shilkan gaadhi ee ka dhacay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa dadkii ku dhaawacmay waxa loo qaaday Cusbitaalka Gaarisa oo lagula tacaalayo dhaawacyada ka soo gaadhay shilkaasi.

Horn Cable TV,

Waaxda Online-ka