Injineer Turkiga U Dhashay Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho, (HCTV) – Weerar loo qarax  oo ka dhacay caasimada Somalia ee Muqdisho ayaa lagu dilay muwaadin u dhashay dalka Turkiga, siday bileyska Somalia xaqiijiyeen.

Ninkan Turkiga ayaa la dilay kadib markii gaadhigiisa loogu xidhay walxaha qarxa, sida ay bileysku ay sheegeen.

“Injineer Turkish ah ayaa gaadhigiisa uu six un ugula qarxay wadada KM4 ee magaalada Muqdisho,” sidaasi waxa yidhi AFhayeen u hadlay bileyska oo la yidhaa Cali Xasan.

Hase yeeshee Injineerka oo dhaawac weyni uu soo gaadhay ayaa loo qaaday cusbitaalka Recep Tayyip Erdogan ee magaalada muqdisho, kaas oo markii dambe cusbitaalka ugu geeriyooday dhaawacii qaraxa ka soo gaadhay.

Ilaa iyo hada ma cada cida qaraxaasi ka dambaysay, balse Bileysku waxa ay ka shakisan yihiin inay falkaasi ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab.

Dawladda Somalia ayaa bilawda baadhitaanka weerarkaasi. Safaarada Turkiga ee Muqdishona waxa ay ula socotaa hanaanka iyo siday wax u socdaan si dhaw, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Demirören.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA