Dhaxal Sugaha Sucuudiga Oo Difaacay In Shiinuhu Xaq U Leeyahay Inuu Awood U Adeegsado Muslimiinta Uighur

Beijing, (HCTV) – Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, ayaa difaacay in Shiinuhu uu xaq u leeyahay inuu u isticmaalo awood Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidaasi sheegay xili uu socdaal ku marayey dalka Shiinaha.

“Shiinuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado talaabooyin ka dhan ah Argagixisada iyo sidii uu uga shaqayn lahaa amaanka qarankiisa ee uu xagjirnmada uga saari lahaa,” ayuu yidhi Boqor Maxamed Bin Salmaan, oo heshiisyo ganacsi oo malaayiin ku kacaya la saxeexday Shiinaha.

Waxaanu hogaamiyaha dalka Shiinaha Xi Jinping uu sheegay in labada dal ay sii wadaan xidhiidh wadashaqayneed oo caalami ah, sidii xagjirnimada looga hortagi lahaa iyo kuwa xagjirnimada ku fikirayaba.

Dalka Shiinaha ayaa xidhxidhay dad lagu qiyaaso hal milyan oo Muslimiinta Uighur, kuwaas oo lagu xareeyey kaamam la doonayo in dib wax loogu baro oo looga saaro barnaamijyada xagjirnimada ee ay ku jiraan.

Qoomiyadan Uighur ayaa ah Koox Turkic ah oo haysata diinta Islaamka waxaanay ku nool Galbeedka dalka shiinaha iyo badhtamaha Asia.

Dawladda Beijing waxa ay ku eedaysaa dadkan laga tirada badan yeyey eek u nool gobolka Xinjiang ee galbeedka dalkaasi ku yaala inay taageeraan Argagixisonimada, isla markaana ay sameeyeen jabhado mayal adag.

Hase yeeshee kooxaha Uighur oo ka dalbaday Boqorkan da’da yare e sucuudigu inuu arintooda kor u qaado maadaama oo Boqortooyadu ay dhaqan ahaan tahay inay difaacdo muslimiinta dunida oo dhan ku nool ayaa arintaasi garab maray.

Waxaana jirta in hogaamiyeyaahsa muslimiintu aanay ilaa iyo hadda dawladda Shiinaha uga digin arintaasi, maadaama oo sanadihii u dambeeyey ay la lahaayeen xidhiidh ganacsi bariga dhexe.

Hami Aksoy, ah Afhayeen u hadlay Xafiiska Arimaha dibada ee dalka Turkiga, ayaa ku qeexay cabsi galinta ay bulshada Muslimiinta Uighur ay ku haysto dawlada Shiinuhu inay tahay arin foolxumo ku ah bani’aadanimada, bishii u dambaysayna ka codsaday dalka Shiinuhu inay xidhaan Xeryaha lagu xareeyey dadkaasi.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaaba isagu mar ku eedeeyey dawlada Shiinaha inay xasuus samaynayso balse tan iyo intii xidhiidh dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ay la yeesheen Beijing aan ka hadal.

Sidoo kale Imran Khan Raysal Wasaaraha Pakistan oo uu booqday boqor salmaan ayaa u sheegay in aanu wax badan kala socon xaalada Muslimiinta Uighurs-ka ee ku tabaalaysan dalka Shiinaha.

https://www.telegraph.co.uk/news/2019/02/22/saudi-crown-prince-defends-chinas-right-put-uighur-muslims-concentration/?fbclid=IwAR04nNRZzid-pInHsaw2dHSvremQRqTbZ1o1GY01gp4J_DIE3IVsR0v_qcA

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA