Maraakiib Shidaal Oo Sucuudigu Leeyahay Oo Jidgoyn Loo Galay Iyo Khasaaraha La Gaadhsiiyey

Dubai, (HCTV) – Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in laba markab oo ah nooca shidaalka qaada oo ay leedahay weerar loogu geystay xeebta Imaaraadka Carabta, waxaanu weerarkaasi sababay khasaare soo gaadha maraakiibtaasi tankers-ka loo yaqaano.

Mid ka mid ah labada markab ayaa marinkiisu uu ahaa si Shidaalka Sucuudiga uu u geeyo dalka Maraykanka, sida uu sheegay maanta oo isniin ah Wasiirta Tamarta ee dalka Scuduugia Khalid Al-Falih.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Al-Falih ayaa imanaya kadib markii Isbahaysiga gobolka ee Imaaraadka Carabtu ay cambaareeyeen warka sheegaya in waxyeelo la soo gaadhsiiyey afar markab oo marayey xeebta magaalo dekedeeda Fujairah.

Hase yeeshee Warbaahinta Iraniyiinta iyo Lebaniyiinta ayaa baahiyey war sheegaya in qarax ka dhacay dekeda magaaladaasi balse masuuliyiinta Imaaraadka CArabta ayaa sheegay in warkaasi aanu run ahayn.

Saraakiisha Imaaraadka ayaa iyagu hoos u dhigay xogaha ka soo baxaya khasaarahaasi soo gaadhay maraabiita iyo inay yidhaahdaan cidaas ayaa ka masuul ah.

Inkastoo warar ay soo saartay dawlada Maraykanku ay uga digtay maraakiibta in Iran iyo kooxo taageeraa ay bartilmaameedsanayaan marinka maraakiibta ee gobolka, walow Maraykanka laftiisu uu diyaaradaha dagaalka ee wax duqeeya ee ay ka mid tahay B-52 iyo markabka xambaaraha diyaaradaha iyo gantaalada uu soo dhigay Gacanka waxa uu ugu yeedhay khataro ka minaya Tehran awgeed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA