“Cabdiraxmaan-Cirro, Ma Hayo Waddadii Uu Madaxweyne Ku Noqon Lahaa..” Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa dhaliilay siyaasadda dhanka Mucaaraddada ee Xisbiga WADDANI.

Guddoomiye Xinif oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo daba socda hadallo ay Warbaahinta Mariyeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Ismaaciil Yare, wuxuu sheegay inay Dadnimada Ceeb ku tahay in Qofku marka uu Xukuumadda ka midka yahayna uu arki waayo dhaliisha jirta oo uu Sixi waayo, marka uu dibedda ka joogana uu dhaliil aan jirin uu Saxaafadda mariyo.

Cabdikariin Xinif oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Rag badan oo Shalay halkaa ka hadlayey, markay Kulmiye joogeen iyaguna ma xumayn, Kulmiye-na xumayn, waxa imika u muuqdaa Xilalka markay hayeen Umay muuqanin, laakiin markaas ayaa laga rabay inay yidhaahdaan ‘Waxaasi wuu innaga khaldan yahay’ Marka aan xukuumadda ka tirsan nahayna aan amaano oo khaladkeedu ii muuqan waayo, markaan dibedda ka joogana ii noqoto Abaar, Ceeb bay ku tahay dadnimada. Raggaa waxa ka mid ahaa Rag lahaa Muuse Biixi haddaanu Talin garanayn Anaga ha noo yeedho, xitaa Madaxweyne ma odhanin, hadalkaa qosol ayuun baan kaga jawaabi karayaa.”

Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaashu wuxuu sheegay inay Xukuuumad ahaan jecel yihiin in Cabdiraxmaan-Cirro uu mar uu Dalka Madaxweyne ka noqdo “Cabdiraxmaan-cirro  inuu Waddanka Madaxweyne ka noqdo Mar uun, laakiin Waddadii ma hayaan, waddadii isna ma hayo, kuwan (la joogaana) ku duwi waaye, Waddo kale ayay hayaan. Xaq buu u leeyahay, waanu la jecel nahay, iisha Allaah wuu noqon doonaa, laakiin Waddadii ma hayo, markaa waxaan leeyahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Waddada ku soo baydh.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu saadaaliyey in siyaasiyiinta hore uga midka ahaa Kulmiye ee xilligan WADDANI ka midka ahi ay kala diri doonaan Xisbigaasi “iga qora Maanta, haddaynu arki wayno kuwaasi (la jooga) oo Waddani fitir-faatir u qaaday oo oodaha u rogay, wax dambe oo aan idiin sheego ha iga dhegaysanina.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka