“Ciddii Khalkhal Gelinaysa Dalka Xil Kasta Oo Ay Hayso Waa In Gacan Bir Ah…” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira  xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka.

Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn ee dalka oo ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyada Somaliland, isla-markaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada dalka iyo madaxweynuhu  isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaa’udiinka reer Somaliland, shirguddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin iyo hogo-tusaalayn la xidhiidha sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen.

Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar oo hadal dhinacyo badan taabanaya oo waano, wax sheeg iyo wacdi isugu jira kulanka ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha nabadda iyo wada-jirka bulshadu leeyahay, waxana uu axsaabta qaranka ku waaniyey inaan la dhaawicin ammaanka iyo isku-duubnida shacabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Axsaabtu tartankooda ha tartamaan, laakiin dawladnimada yaanay wax yeelin oo yeynaan qalin-daarin, qofkuna isaga oo ra’yigiisa wanaaggiisa u cabbiraya, haddana ka ilaashado nidaamka dawliga ah, waxana ay ahayd waxyaabaha aynnu Koonfur kaga duwanayn, waxannu isku ognahay nabadgelyada inaynu ilaashanno, dalkeenna waxaynu ku joognaa oo aynnu ku dhisannahay waa nabadgelyo, adduunkuna wuxuu inagu ammaanaa nabadgelyada aynnu haysanno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa, ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka