Somaliland: Xukuumadda Oo Qaniintay Axmed Ismaaciil Samatar

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa muujisay in aanay ku qanacsanayn Hab-dhaqanka siyaasadeed ee Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo Maalmihii u dambeeyay isaga iyo Cali Khaliif Galaydh ay wadeen kulamo ay Dadweynaha kula hadlayeen.

Samatar oo xilligii uu socday Ololihii doorashadii Dalka ka dhacday 2017-kii ku biiray xisbiga KULMIYE isla-markaana door weyn ka ciyaaray ololahaasi, ayaa hoos uga soo degay wixii uu ka aaminsanaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana la arkay isagoo jeedinaya hadallo dhaliil ku ah Xukuumadda, taasi oo jirta ayuu Toddobaadkii u dambeeyay wuxuu Dalka Kenya ay isku raaceen Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro, safarkaasi oo ay illaa hadda ku maqan yihiin.

Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo Maanta Saxaafaddda kula hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilay hab-dhaqanka xilligan ee Samatar, waxaanu yidhi “Haddii Aqoonyahanka hadalkiisa ugu dambeeyaa sida imika jirta uu noqdo ‘Haddaynu reer Hebel nahay waalla inna dulmiyey oo xaq baa innaga maqan, kaasi aqoon ma soo kordhin ee Odayaasheenu intay yaqaaneen ayuun buu imika gaadhay.”

Xinif oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in Hab-dhaqanka Siyaasadeed ee Samatar ee xilligan iyo xilligii uu Kulmiye ku biiray ay kala duwan yihiin “Markuu Kulmiye ahaa iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood, markuu Kulmiye noogu yimid ee uu shaqaynayey iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood oo aan shaqo isku lahayn, wakhtigaana Qaranimo iyo Aqoon buu ka hadlayey, imikana Aqoontiisii Xaafad bay ku ururtay..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka