Culimada Oo Laga Codsaday Inay Xalliyaan Khilaafka Xisbiyada Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Culimada Dalka ugu baaqay inay soo kala dhex galaan Xisbiyada Qaranka oo ay heshiisiiyaan.

Faysal oo khudbad ka jeediyey Munaasibad Casho-sharaf ah oo Xalay uu Madaxweynuhu u sameeyay Culimada Somaliland, ayaa sheegay in sababta ay Xisbiyada Qaranku ay doorashada ugu heshiin la’yihiin muddo 14 bilood ah ay tahay Faro-gelin shisheeye awgeed, ayaa Culimada u soo jeediyey inay dhexdhexaadiyaan Xisbiyada Qaranka ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE.

Guddoomiyaha UCID oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawlado ayaa ina soo dhex galay, taasi waata keentay in Xisbiyadu heshiin waayaan 14 bilood, markaa si doorasho wanaagsani inoogu dhacdo waxaanu jecel nahay inaad inaad na soo kala dhex gashaan, si dalku hore ugu socdo.”

Eng. Faysal oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay “Labada Xisbi waanu gaadhnay heshiis, heshiiskaa Macnahiisu maaha inay Labada xisbi doorashada galayaan, balse waxaanu ku heshiinay inay doorashadu wakhtigeeda dhacdo, oo ay qabtaan guddi cusub oo la Magacaabo oo aan kuwii hore u ahayn..”ayuu yidhi,

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka