Muqdisho: Askari Ugaandhiis Ah Oo Dilay Saddex Askari, Isaguna Is-khaarajiyey

Muqdisho (HCTV) – Askari ka tirsanaa Ciidammada Uganda ee ka midka ah Ciidammada AMISOM ee Nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa dilay Saddex Askari, ka dibna isagaa is dilay.

Askariga dilka ku geystay Gudaha Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ah Xarunta ugu weyn ee Ciidammada AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu marka koowaad toogasho ku dilay Sarkaal kormeer ahaa, laba kalena raaciyey, isaguna toogasho isku dilay markaa ka dib, sida uu Telefiishanka HCTV ka soo xigtay Wargeys ka soo baxa Dalka Uganda oo Magaciisu yahay monitor.

Dilkan oo dhacay Sabtidii Toddobaadkan ayaa waxa ka hadlay Afhayeenka Ciidammada Milletariga Uganda ee loo yaqaano UPDF, Brig Richard Karemire waxaanu sheegay in la baadhayo Sababta keentay khilaafka Kormeeraha iyo Askariga dilka geystay iyo waxa rasmi ahaan uu xilligaa ka shaqaynayey Kormeeruhu, maaddaama buu yidhi arrintani tahay ‘Bar bilow xun’…”illaa hadda lama garanayo sababta (Dilka keentay)..” ayuu yidhi, Afhayeenka Milletariga Uganda.

Dilalka noocan ah ayaan ku cusbayn gudaha Ciidammada Uganda, balse arrinta cusub ayaa ah inay dalkooda dibeddiisa isku dilaan ama isku toogtaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka