SAWIRRO: Dadkii Ku Geeriyooday Roobkii Xalay Ee Hargeysa Iyo Khasaaraha Kale Ee Ka Dhashay

Hargeysa (HCTV) – Waxa i soo taraya khasaaraha naf iyo Maalba leh ee uu sababay Roobkii Xalay ka da’ay Magaalada Hargeysa.

Roobkan oo aad u xoog badnaa ayaa da’ayey Muddo Saacad ku dhow, waxaana ka dhashay Daadad badan, daadadkaasi oo la tagay gaadiid badan.

Khasaaraha Roobku sababay ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo Burbur hantiyeed.

Tirada Dadka dhaawacmay ayaa tiradadoodu dhan tahay 6 Ruux, halka 12 kalena Dhaawacmeen, sida ay shaaciyeen Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Maamulka Gobolka Maroodi-jeex.

Dadka dhintay ayaa Afar ka mid ah waxa gaadhi ay wada saarnaayeen Daad ku qaaday Xaafadda Boqol iyo Kontonka, halka laba kale oo midkood Gabadh tahayna uu Laydh qabsaday.

Waxaa intaa dheer khasaare Hantiyeed oo soo gaadhay Huteello iyo Meherado ku yaalla Magaalada Hargeysa, laakiin illaa hadda waxaan la ogayn isla-markaana aanu Maamulku ka hadal khasaaraha soo gaadhay Dadka danyarta ah ee ku nool Xaafadaha Hargeysa, sida Xaafadda State House-ka, halkaasi oo Dadku nool yihiin Guryo yaryar oo ka samaysan Baco iyo Karaatoon aan iska xajin karin Roobabka.

Waxa Xusid Mudan in Roobka ay waxyeelo ay ka soo gaadhay illaa 50  Gaadhi, marka laga reebo Gaadiid badan oo ay samato-bixiyeen Ciidammada Dab-damisku.

sidoo kale, Roobkan ayaa Dooxyo u beddelay Waddooyinka Rafka ah ee Xaafadaha Magaalada Hargeysa dhex mara, taasi oo muujinaysa awoodda Roobku intay leekayd.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka