Rabshado Ka Dhacay Sudan Oo Lagu Dilay Dibadbaxayaal Iyo Askari

Khartuum, (HCTV) – Ugu yaraan shan dibadbaxayaal ah iyo mid ka mid ah ciidamada ayaa ku dhintay caasimada dalka Sudan ee Khartuum kadib markii hogaamiyeyaasha dibadbaxayaasha iyo Jeneraalada hogaamiyaha dalku ay ay heshiis ka gaadheen in maamul ku meel gaadha hi uu hogaamiyo dalkaasi tan iyo intii Madaxweyne Cumar XAsan Al Bashiir talada dalkaasi laga tuuray bishii la soo dhaafay.

Rabshadahan ayaa biaabmay maalintii shalay kadib markii xafiiska dacwad ooga guud uu sheegay in Al-Bashir lagu soo oogayo dacwado ku saabsan laynta dad dibadbaxayey intii lagu gudo jiray dibadbixii balaadhnaa ee lagu soo afjaray 30-kii sano ee uu talada dalkaasi hayay bishii April 11-keedii.

Dibadbaxyaashan iyo Askarigan la dilay ayaa lagu dilay meel dibada ka ah xarunta ciidamada ee magaalada Khartuum halkaas oo kumanaan dibadbaxayaal ahi ay ku dibadbaxayeen todobaado iyagoo dalbanaya in Jeneraalada ciidamadu ay awooda wareejiyaan .

Sidoo kale saddex askari iyo dhawr kale oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhaawacmay markii rabshadahaasi ka soo cusboonaaday dalkaasi Sudan.