“Shirkadaha Laydhka Waxa La Qaadi Doonaa Tallaabo…” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Dadkii ku dhintay Roobkii Xalay ka da’ay Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 6 Qof, halka 12 kalena ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Biixi oo Xalay Xilli dambe la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay sababayaan Dadka oo Guryo ka dhista oo dega Goobaha Biyo-mareennada ah, waxaanu Tacsi u diray Ehelada Dadkii ku dhintay Roobkaasi.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dadka dega Laagaha iyo biyo-mareenada ee ay Maalin walba is haystaan Dawladaha Hoose iyo Booliska, waxa la ilaaliyaa waa Naftooda, intaas oo khasaare ahi intaanu dhicin Dadku inay maqlaan marka Danahood loo sheego ayay ahayd..”

Shirkadaha Laydhka ayuu Madaxweynuhu ka hadlay dhibaatada ay Dadka ku hayaan “Dadka dhintay waxa ku jira Dad Laydh soo go’ay ku dhacay, Shirkadaha Laydhka ee Waarrada Jilicsan dusha marinaya ee maalin walba oo Roob da’o Dadka qabsanaya, waa arrin Tallaabo laga qaadi doono, taasi oo ah in Dadka laga bedbaadiyo Laydhka..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka