Raysal-wasaare Toddobaad Walba Sameeya Qalliin

Bhutan (HCTV) – Waa Sabti, Gudaha Dalka Bhutan, Lotay Tshering hadda wuxuu dhamaystirtay Qaliin dib u habayn ah oo uu Qof bukaan ah ugu sameeyay Cisbitaalka Jigme Dorji Wangchuck.

Laakiin, Lotay Tshering maaha Dhakhtar Caadi ah oo si Maalin leh Shaqadan u qabta Toddobaadkii, waayo? Waa Raysal-wasaaraha Dalka Bhutan oo Juquraafi ahaan dhaca Koonfurta Qaaradda Aasiya.

 “Anigu waan ku nafisaa..” ayuu yidhi, Tshering oo sannadkan loo doortay Raysal-wasaaraha Qaran Dadkiisu ka kooban yahay 750,000, doorashadana waa tii saddexaad ee si dimuqraadi ah uga dhacda halkaa, tan iyo markii la laalay Nidaamkii Boqortooyada ahaa sannadkii 2008-dii.

Raysal-wasaaruhu wuxuu sheegay inuu dhammaadka Toddobaad walba uu Qaliin sameeyo, marka uu booqdo Cisbitaalka “Dadka qaar waxay ciyaaraan Golf, Aniguse waxaan jecelahay Qaliinnada, waxaanan ku qaataa Fasaxayga halkan (Dhakhtarka)..” ayuu AFP u sheegay Raysal-wasaare Lotay Tshering oo xilligan da’diisu tahay 50 Jir, isagoo ka warramayey sida aanu Xirfaddiisa Caafimaad ugaga mashquulin shaqada kale ee siyaasadeed ee uu hayo.

Caasimadda Dalka Bhutan waa Thimphu, malaha Laydhka Gaadiidka kala haga, in Sigaarka lagu dhex iibiyo waa la mabnuucay, Telefiishannada waxa la ogoladaay 1999-kii, sidaa waxa ku warramay standard media oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka