Burco: Biriijkii Sariimadda Dhuurta Oo Go’ay

Burco: Biriijkii Sariimadda Dhuurta Oo Go’ay

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Calanka Puntland Ee Badhan La Sudhay
Weerarradii Gorgorka Oo Ka Sii Socda Deegaanka Soomaalida Itoobiyaa (Akhri)
Berbera: Lix Meheradood Oo Mar Keliya Gubtay
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta
Dastuurkii Suudaan oo la laalay iyo Xaalada Deg deg ah oo Lasoo Rogay.

Burco (HCTV) – Roobab ka da’ay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa gooyey Biriij ay Isticmaali jireen Dadka ku Ganacsada ama kuwa ka adeegta Sariimadda Xaafadda Dhuurta ee Magaaladaasi.

Buundadan oo loogu talo-galay inay Dadweynuhu isticmaalaan ayaa waxa gooyey Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayey Magaalada Burco, sida uu soo warramay Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Magaaladaasi, Ibraahim Faarax Macaaneeye.

Haweenka ku Ganacsatada Suuqa Buundadii loo marayey Go’day oo Arbacada Saaka Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dan ku qabeen Biriijka go’ay, saakana ay ka soo wareegeen meel aad uga fog suuqa ay ku ganacsadaan, sidaasi darteedna ay u baahan yihiin in si dhakhso ah loogu dayac-tiro.

La Soco Warkan oo faahfaahsan

 

COMMENTS

%d bloggers like this: