“Tujaartu Cashuurta ma bixiso ee Danyartaa bixisa..” Wasiirka Arrimaha Gudaha

“Tujaartu Cashuurta ma bixiso ee Danyartaa bixisa..” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Madaxweynaha China Oo Madxda Africa U Balan Qaaday Inuu Hir Galinyaayo Maalgalin Dhan 6 Bilyan
Qaxootiga Rohingya oo dibadbaxyo ku Xusay Sandguuradii Howlgalladii Myanmar
RW Khayrre oo Furay Xabsi Cusub+Xuska Ciidanka Asluubta.
Waqooyiga Kuuriya Oo Sii Daysay Arday Ay U Xidhay Arimo Basaasnimo
37 Qof Oo Ku Dhaawacmay Diyaarada Air Canada

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Ganacsatada waaweyni aanay bixinin Cashuurta ku waajibtay, balse Mushaharka Ciidammada iyo Dhakhaatiirta Dalka lagu bixiyo  Cashuurta laga qaado Ganacsatada yaryar.

Wasiir Maxamed Kaahin oo Maanta xog-warran siiyey Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Mar kasta waxaynu u baahanahay in Qaranka iyo Dadka danyarta ah loo hiiliyo, Tujaartu Cashuurta ma bixiso ee Danyartaa bixisa, Askarigeena iyo Umulisada waxa (Mushaharkeeda) bixisa Habarta Wadhatada ah ee suuqa fadhida, miyaa la inaga aqbalayaa inaynu Qaranka sidaa ku hoggaamino oo Ninkii lacagta lahaa laga baqo.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Qaranku amnigooda ilaaliyo Ganacsatada iyo Lacagtoodaba “Nimankaa Amnigooda ayaynu ka shaqaynaa, Lacagahan Xawaaladaha ee la isku celcelinayo tuurta ayaynu ku sidanaa oo Shandado ayaynu ku sidnaa, Dawladda iyo Baankuna way ogol yihiin in Maalin walba in Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ay intaas oo boqol oo Milyan ay ka soo (…), waa Dawladda qudha ee Adduunyada oo dhan sidaa ogol..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dawladda lagala shaqeeyo sidii loola dagaalami lagaa Sicir-bararka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: