Madaxtooyada Oo ka Hadashay Xadhigga Xildhibaan Dhakool

Hargeysa (HCTV) – Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay eedaymo Xukuumadda loogu jeediyey Xadhigga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka soo horjeedsaday Xuska 18-ka May.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Shaly Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xadhigga Xukuumaddu kula kacday Xildhibaan uu yahay Sharci-darro, balse Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo hadalkaa daba socda ayaa sheegay in Xildhibaanku uu ku xidhan yahay Sifo Sharci ah.

Afhayeenka oo goor dhawayd Warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, ayaa yidhi “18-ka May ma Maalin Madow baa..” ayuu yidhi, isagoo dibaaqaya hadal hore uga soo yeedhay Xildhibaan Dhakool, hadalkaasi oo ah ka xadhiggiisa loo cuskaday, waxaanu Afhayeenka intaa sii raaciyey isagoo su’aal gelinaya hadalka Cirro ee ah in Xadhigga Dhakool uu Sharci-darro yahay “Waxa Shacabka Somaliland u sheegayaa gefkaa Cad ee Qaranka laga galay, ee Guddoomiye Cirro doodda ka keenay, Sharci-darradana ku tilmaamay, sow macnaheedu maaha inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo in 18-ka May ay Tahay Maalin madow..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka