Milletariga Suudaan Oo 72 Saacadood Hakiyey Wada-hadalladii Dibed-baxayaasha

Khartoum (HCTV) – Hoggaamiyeyaasha Milletariga Dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay muddo 72 Saacadood ah hakiyeen Wada xaajooyo ay qayb ka ahaayeen Hoggaamiyeyaasha dibed-baxayaasha Suudaan, si loo soo dhiso Xukuumad wadaag ah.

Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Ninka ugu sarreeya Milletariga gacanta ku haya Xukunka Dalka Suudaan Abdel Fattah al Burhan, kaasi oo laga sii daayey Telefiishanka Dalkaasi.

“Waxaanu go’aansanay inaanu hakino Wada-xaajoodyadii lagaga arrinsanayey Nidaamka Rayidka ah, muddo 72 Saacadood ah, si aanu u diyaarino jewi lagu dhamaystiro heshiiska..” ayaa lagu yidhi, qoraalka uu soo saaray Hoggaamiyaha Suudaan ee Milletariga ah, go’aankaas oo lagu macnaheeyay in Milletarigu doonayo in Dibed-baxayaashu ay banneeyaan Waddooyinka Caasimadda Khartuum iyo Magaalooyin kale ee Dalkaasi “Joojiya Cadaadiska aad ku haysaan Ciidammada..” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Afhayeen u hadlay Isbahaysiga Xorriyadda iyo Isbeddelka ee Dalka Suudaan oo Magaciisu yahay Rashid al Sayid, ayaa sheegay “Guddiga Milletarigu way hakiyeen Wada-hadalladii, waxay na waydiisteen inaanu Jidadka Khartoum ka qaadno waxyaabaha ku go’an..”ayuu yidhi, waxaanu intaa  ku daray in Milletarigu u sheegay inay dibed-baxayaasha waajib ku tahay inay ka kacaan jidadka oo ay banneeyaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka