Wefti Ka Socda Guddiga Arrimaha dibedda Baaramaanka Uganda Oo Somaliland Yimid

Hargeysa (HCTV) – Wefti ka socda Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa socdaal ku yimid Somaliland.

Weftigan ayaa Maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Guddiyada Arrimaha dibedda ee Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland.

Xildhibaannada ka socda Baarlamaanka dalka Uganda oo kulamada ay la yeesheen Guddiyada arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Somaliland aanay Saxaafaddu goob-joog ka ahayn, ayaa markii ay soo dhamaadeen waxa Warbaahinta faahfaahin ka siiyey Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibedda ee Golaha Wakiillada Somaliland, Axmed Cabdi Kijaandhe, waxaanu yidhi “Waxaanu uga warranay inay doonayso inay noqoto Dawlad Cagaheeda ku taagan, doonayna inay dib ugu noqoto khilaafaadka Soomaaliya ka jira.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo isaguna ka mid ah Guddiga Arrimaha dibedda ee Golaha Guurtida Somaliland, oo isaguna Saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Waanu ku faraxsanahay, iyaga iyo Baarlamaano kale oo Kenya, Jabuuti waanu soo dhaweynaynaa. Afrika sannadkan aad looga imanayaa, si gaar ah waxa noola jooga Baarlamaanka Uganda, waxaana maraya Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Uganda, waxaanuna sheekaysan doonaa marka ay na dhaafto Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland..”

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Uganda oo isaguna Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in marka ay dalkooda dib ugu laabtaan ay Baarlamaanka u sharraxi doonaan waxay ku arkaan Somaliland, sidoo kalena nuqul ka mid ah Ujeeddada socdaalkooda Somaliland iyo waxyaabihii ay ku arkeen ka hadlayana ay u gudbi doonaan Wasiirka Arrimaha dibedda Uganda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka