Soomaaliya: Hal Qof Oo Loo Qabtay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee La Xaday

Muqdisho (HCTV) – Ciidammada Amniga ayaa la sheegay inay Gacanta ku dhigeen Nin lagu tuhunsan yahay inuu bixiyey Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya joojisay.

Ninkan oo Magaciisa lagu sheegay Jamaaludiin Xasan Xirsi ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada isla-markaana ka mid ahaa Masuuliyiinta ka shaqaynayey Imtixaanaadka Shahaadiga ah, sidaasi darteed loo tuhmay inuu bixiyey Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo Dawladdu hakisay markii Suuqyada lagu arkay.

Ninkan oo la xidhay ayaa lagu samaynayaan baadhitaan la xidhiidha Tuhunnada imtixaanaadka la iibsaday ee suuqyada lagu arkay, iyadoon ardaydii loogu talo-galay u fadhiisanin.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Waxbashada ayaa Dawladdu shaacisay in la xaday Toddobaadkii hore, arrintaasina waxa fadeexad kala kulmay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka