Hargeysa: Aas Loo Sameeyay Meydad Xabaal-wadareed Laga Soo Saaray

Hargeysa (HCTV) – Guddiga baadhista Xasuuqa Somaliland, ayaa Meydadka 29 Ruux Xabaal-wadareed ugu sameeyay Xabaalaha Masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa.

Meydadkan Xabaal-wadareedka loo sameeyay ayaa  waxa bishii Afraad ee sannadkan laga soo saaray Xabaal-wadareedyo ku yaalla Xaafadd 150-ka ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo la aamisan yahay inay ku aaseen Ciidammadii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya oo badan ku dilay Somaliland, siddeetamaadkii.

Aaska loo sameeyay Meydadkan Xabaal-wadareedyada lagu aasay, markii si Diinta Islaamka waafaqsan loogu tukaday ka dib, waxa Saxaafadda uga warramay Guddoomiyaha Guddiga baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like iyo Agaasimaha fulinta ee Guddiga baadhista, Axmed Ismaaciil Cali.

“Waa markii labaad ee aanu Dumar ku dhex aragno Dadkaa la aasayey, waxaanu u ku aragnay Saddex dumar ah iyo laba Carrur ah, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ay Diyaaraddu bannaanka ka heshay ee ay Garaacaysay. Dadkan aanu Qalfoofkooda meesha ku haynaa waa Ummad aan qori sidanin oo Shacab ah oo wax Alaale iyo wax ay geysteen aanay jirin oo gacan ka xaq-darani dishay. Dadkan waxaanu ka soo saarnay Xabaashii 18-aad, Dadkii aanu hore halkan ugu aasnayna waxay marayaan 203 hore iyo 29-kan.”ayuu yidhi, Guddoomiye Khadar Axmed Like.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka