Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyey 517 Maxbuus

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey 517 maxbuus oo ku xidhan jeelasha Somaliland in la sii daayo, kuwaas oo Wareegtada Madaxweynaha lagu tilmaamay in maxaabiistan cafiska loo fidiyey ay yihiin maxaabiista dambiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Sida lagu sheegay wareegtada uu soo saaramay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo u dhignayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Cafis Guud

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgeliyey: In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus.

2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.