Madaxweyne Biixi Oo Cirro Ku Eedeeyay Inuu Si Gaar Ah U Diiddan Yahay Doorashada, Faysal-na Bogaadiyey

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka Goleyaasha Baarlamaanka iyo Deegaannada.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay khilaafka ka taagan Komiishanka Doorashooyinka oo Xisbiga WADDANI doonayo in kala diro, waxaanu sheegay in Komiishan cusub oo la dhisi doono uu qabanayo doorashooyinka, sidaasi darteedna wuxuu Madaxweynuhu uu baaq u diray Xisbiga WADDANI.

Madaxweyne Biixi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu aqbalnay in Komiishanka cusub oo doorashada qabto, marka Komiishankii hore uu wakhtigiisu dhamaado, waxaanuna diyaar u nahay inaanu ka qayb-qaadano oo aanu weliba tanaasul badan u samayno wax kasta oo Xisbiyada Mucaaradka ahi tabanayaan oo doorashadu inagu qabsoonto.”

Madaxweynuhu wuxuu farriin u diray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI “Waxaan ugu baaqaynaa xisbiga WADDANI oo ah xisbi Sharaf iyo Karaamo mudan iyaga iyo taageerayaashooda, Walaalayaal waa inaad doorashada ka soo qayb-gashaan, wixii aad naga codsateen waanu dhamaynay, gaar ahaan Guddoomiyaha oo si gaar ah u diiddan doorashada waxaanu leenahay waxay dantu ku jirtaa in taageerayaashaadu ka soo qayb-galaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka.”

Madaxweyne Biixi wuxuu Guddoomiyaha WADDANI u soo jeediyey inuu ka qayb-galo Xusaska 18-ka May “waxa kale oo aanu ku dhiiri-gelinaynaa Guddoomiyaha Xisbiga  Sharafta mudan ee WADDANI inuu Maalin keliya ka soo qayb-galo sannad-guurada 18-ka May..” ayuu yidhi, waxaanu taa beddelkeeda amaan u soo jeediyey Xisbiga UCID, “Waxaanu bogaadinaynaa Xisbiga UCID oo ahaa Xisbigii noogu doodda adkaa ee waxaas oo dhan na ogolaysiiyey, aad iyo aad  aan ugu bogaadinaynaa Geesinimadooda.”

Xuska 18-ka May waxa Xisbiga WADDANI uga qayb-galay Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka