Xuska 18-ka May Oo Berbera Badda Iyo Berigaba Si Balaadhan Loogu Dabaal Degay

Berbera, (HCTV) – Xuska Munaasibada 18-ka May oo laga xusay guud ahaan Somaliland ayaa loogu dabaal degay sanad guurada 28aad ee maalintii Somaliland ay la soo noqotay xornimadeeda 1991-kii.

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxa isugu soo baxay dadweyne tiro badan iyo shaqaalaha kala duwan ee hay’addaha dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Xuska Munaasibada 18-ka May ee ka dhacday magaalada Berbera ayaa sidoo kale kale waxa shacabka kala soo qaybgalay hay’adaha waaweyn ee ka jira magaalada Berbera oo dadweynaha kala qaybqaadanayey.

Magaalada Berbera waxa sidoo kale Gaardis iyo socod ku maray Ciidamada kala duwan ee dalka ee ay ka midka yihiin Bileyska, Milatariga iyo Ciidamada Ilaalada xeebaha, waxaana dadweynaha kala qaybqaadanayey wasiiro ka socday xukuumada, kuwaas oo goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha.

Ugu horayn maareeyaha dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo dadweynaha kala hadlay goob fagaare ah ayaa waxa uu yidhi “Waa maalin weyn oo ah maalintii qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu lahaa, dadweynaha reer Somaliland gobolada iyo degmooyinka dalka waxay ka muujiyeen maalintani qiimaha iyo qadarinta ay leedahay. Waxaanay u quusgooyeen cid kasta oo ka soo horjeeday ama dibin daabooyin u dhigaysay,” ayuu yidhi Maareeyaha dakadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA