Maraykanka Oo Digniino U Diray Diyaaradaha Rakaabka Ee Dul Mara Gacanka Carabta

Washington, (HCTV) – Dibomaasiyiinta dalka Maraykanka ayaa digniino u jeediyey diyaaradaha ganacsiga ee dul maraya hawada sare ee gacanka Carabta inay khatar gali karaan hadii ay bixiyaan macluumaad khaldan, maadaama oo xiisada u dhaxaysa Maraykanka Iyo Iran ay kacsan tahay.

Digniintan ayaa ku taxaluqda markii Diblomaasi Maraykan ahi uu soo Post gareeyey in Maamulka Duulimaadka ee Federal-ka ee FAA ay hoosta ka xariiqday in xiisada xiligan ka oogan gobolkaasi ay khatar ku leedahay duulimaadyada caalamiga ah.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili sidoo kale London ay ka soo baxayaan digniino sheegaya inay sii kordhayso khatarta marinka maraakiibta ee gobolkaasi Gacanka Carabta.

Walaaca arintan ayaa muujinaya suurtagalnimada isku dhac qarxa tan iyo intii Aqalka Cad ee dalka Maraykanku uu amray Maraakiibta dagaalka iyo Kuwa wax duqeeyaba inay gobolkaasi u tagaan waxa uu ugu yeedhay la xisaabtan xaalado khatar ah oo aan la faahfaahin oo ka imanaya dalka Iran.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA