“Caalamku Wuxuu Gar-Waaqsaday In La Joogo Wakhtigii La Kala Guri Lahaa Somaliya & S/land..” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in la gaadhay xilligii ay kala guran lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyey Xuska 28 Guurada ka soo wareegtay Madax-bannaanida Somaliland oo Maanta looga dabbaal-degayo Somaliland, ayaa ugu horrayn sheegay inay dardar-geliyeen siyaasadda arrimaha dibedda “Xukuumaddu waxay qaadday Tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dardar-gelinayo xidhiidhka beesha Caalamka oo dhan , waxaad la socotaan Wufuudda tirada badan iyo Diblumaasiyiinta ku soo qul-qulaya Dalkeena, arrintaasi waxay marag u tahay dardar-gelinta iyo xoojinta siyaasadda arrimaha dibedda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa muuqata in Caalamka Badankiisu gar-waaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Soomaaliya iyo Somaliland.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan Shacabka Somaliland “Dadka Maanta Muqdisho ka taliya waxaanu leenahay, intii aad dhibaato gaadhsiiseen Somaliland 30-kii sanadood ee ay midka ahayn, waxa  ka culus oo ka hawl badan oo nagaga khasaare badan 28-kii aynu kala maqnayn..”ayuu yidhi, isagoo tilmaamay inay wanaagsan tahay in Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan laba dal oo walaalo ah  “Laf kala bogsatay la iskuma kabo, danta Somaliland, Afrika iyo Geesku waxay ku jirtaa in labadaa dal noqdaan laba dal oo xor ah oo Walaalo ah..” 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka