Xog Ay Bixisay Isreal Oo Sii Hurinaysa Xiisadda Maraykanka Iyo IRAN

Xog Ay Bixisay Isreal Oo Sii Hurinaysa Xiisadda Maraykanka Iyo IRAN

Iran Oo Heshay Goob Cusub Oo Ay Ku Jiraan 53 billion Oo Foosto Oo Shidaal Ah
Diyaarado Duqeeyay Meel u Dhaw Hargeysa.
Maraykanka Oo Ka Digay Muddo Kordhin Ku Timaada Doorashada, Waxaanu Ugu Baaqay Is-Afgarad Dhexmara Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya
Berbera:Dawlada Hoose Oo Shacabka Ugu Baaqday Inay Bixiyaan Cashuuraha Sanadka
Agaasimaha Shaqo Qaran ayaa Magaalada Ceerigaabo Ka Daah-furay Imtaxaanka Barnaamujka Shaqo Qaran

Iraaq (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka Mike Pompeo oo lagu waday inuu socdaal ku tago Dalka Jarmalka, ayaa baajiyey isla-markaana safar aan la shaacin ku tagay Dalka Ciraaq.

Illaa wakhtiga Mike Pompeo kansalay ama ka noqday booqashadiisii ay ahayd inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Angela Merkel, waxa taagnaa  hawlo diblumaasiyadeed oo wer-werkooda leh.

Laakiin, Raysal-wasaarihii hore ee Dalka Ciraaq Ayad Allawi oo Waraysi bixiyey ayaa sheegay in Booqashada aan wakhtiyeysnayn ee Mr. Mike Pompeo ku tagay Dalka Ciraaq, timid ka dib markii Sirdoonka Isreal ku war-geliyeen in Iraaq laga helay meel ay ku kaydsan yihiin Kantaalaha Balaastikada ah ee IRAN.

Mike Pompeo ayaa intii aanu Ciraaq tagin, waxa Warka Isreal la wadaagay oo u sheegay Saraakiil Maraykan ah oo uu kula kulmay Magaalada cammaan ee Dalka Jordan, kuwaasi oo u sheegay in Goobta Gantaallaha IRAN ku kaydsan yihiin ee Ciraaq lagu xajiiyey Sawirro dhulka laga qaaday oo aan Satlite ahayn 

“Sirdoonka Isreal waxay direen Sawirrada Gantaalo kaydsan..” ayuu yidhi Ayad Alawi oo u warramay Telefiishanka Al Sharqiya.

Allawi wuxuu sheegay in Gantaalahaasi ay sii murginayaan muranka Dalalka Khaliijka iyo IRAN.

“Maraykanku wuxuu go’aansaday inuu aad u baadho (arrinta gantaalaha), lana hadlo Madaxda Ciraaq ee ay khusayso, taasina waa sababta uu Mr. Pompeo u yimid Ciraaq..”ayuu yidhi, Ayad Allawi.

Maraykanka iyo IRAN ayaa waxa ka dhex aloosan xiisad Colaadeed, taasi oo gaadhsiisan in la dhaqaajiyo Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka u jooga  Qaaradda Aasiya.

 

Horn  Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: