Darawal Mooto Bajaaj Ah Watay Oo Lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa lagu soo warramaya inuu toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada mootada saddexda lugood leh ee Bajaajta, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Dilkan ayaa ka dhacay saacadihii hore ee maanta degmada Hodan,iyadoo wararka ay sheegayaan wiilka dhallinyarada ah ee la dilay inuu mootada ku qaaday Haweeney ay deris yihiin oo fool aheyd, si ay Isbitaal ugu umusho.

“Bajaajlaha haweeney Xaamilo eheyd ayaa xalay dhahday Walaaloow in saa’id la ii qabtaa laga yaabaaye waa ku soo kicinaa, isagana Haye ayuu yidhi, Sallaadii subax ayuu naagtii soo waday, marka ay marayaan inta u dhexeyso Ajabka Shidaalka iyo Beerta Jaadka ayuu luuq uga soo baxay askariga, isla markiina xabad ayuu ku dhuftay oo madaxeena jabisay”. ayuu yidhi Maxamed Aadan Cismaan oo ka mid ah darwalada mooto bajaajta.

Isbitaalka Madiina ayaa meydka ninka dhallinyarada ah la geeyay , halkaas oo ay markii dambe ka qaateen ehelkiisa, si ay u aastaan,iyadoo dilkan uu noqonayo inta lagu gudajiray bishan Ramadaan darawalkii labaad ee mooti bajaajta oo Muqdisho lagu dilo.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, mana jirto warbixin ka soo baxday booliska oo looga hadlay dilkan.