Xijaabka Oo Loo Fasaxay Dumarka Ku Jira Booliska Scotland

Scotland (HCTV) – Xijaabka ayaa lagu daray Dirayska ay xidhaan Ciidammada Booliska ee Scotland, waxaana Dumarka Muslimiinta ah ee Booliska ku jiraa fasax u haystaan inay Madaxa ku xidhaan ama inay iska daayaan.

Sidaasi waxa loo yeelay in Dumarka lagu dhiiri-geliyo inay ka qayb-qaataan shaqada Ciidammada Booliska, sida uu daabacay The Telegraph oo Telefiishanka HCTV soo xigtay.

Xilligii hore, Dumarka Muslimiinta ah ee Booliska Scotland ku jiraan may xidhan karaynin Xijaabka, balse hadda wuxuu si caadi ah qayb uga yahay Dirayska Ciidanku xidhaan.

Markii rasmi ahaan Go’aankan loogu dhawaaqay waxa soo dhaweeyay Ururka Muslimiinta ku jira Booliska Scotland, Ururkaasi oo Magaciisa loo soo gaabiyo (SPMA),

SPMA waa urur la aasaasay sannadkii 2010, si uu isugu xidho Bulshooyinka Muslimiinta ah ee Scotland “Tani waa Tallaabo Wanaagsan oo loo qaaday Jihada saxda ah, waanan ku faraxsanahay in Booliska  Scotland uu qaadayo Tallaabooyin waxtar leh..”ayuu yidhi, Madaxa ururka Muslimiinta Booliska Scotland ku jira, Fahad Bashir

Saraakiisha aan Muslimka ahayn ee Booliska Scotland ayaa sheegay in go’aanka lagu ogolaaday in Dumarka Muslimka ah ee Boolisku ku jiraa ay xidhan karaan Xijaabku uu keenayo in Boolisku is dhex-galo, kala faa’iido xirfado iyo khibrad taageerta fulinta adeegyada Boolisku u hayo Shacabka ku dhaqan Scotland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka