Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Taliyey In Wax Lala Qabto Dagaalameyaasha SNM Ee Dhaawac Ah

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay Ahmiyadda xuska 18-ka May, waxaanu farriin  u diray xisbiyada Qaranka oo qaarkood oo Khilaaf ka dhexeeyo.

Guddoomiye Saleebaan oo hadal ka jeediyey Munaasibad Afur ahayd oo Xalay Madaxweynuhu uu Madaxda dalka ugu sameeyay Madaxtooyada ayaa sheegay in Xisbiyadu ay murmi karaan Maalmaha kale oo dhan, balse Maalinta 18-ka May ay yihiin Walaalo.

“Maalintaa ma kala lihin, maalintaa mid baynnu nahay, axsaabtay inta kale oo dhan is xag-xagta, laakiin maalintaa 18-ka May walaalo ayaad tihiin, kubaddana meel baynnu ku wada dhalinaynaa, waxaana aan jeclahay inaynnu caawa xusno mujaahidiintii qaranka u soo halgantay, kuwii u dhintay, kuwii u dhaawacmay, Ilaahayna haka jasaa’i siiyey, wixii aynnu la qaban karnona aynnu la qabanno.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka